|
Ahmiyada
ay leedahay luqadda hooyo |
Ardey waliba waxa uu xaq u leeyahay
luqaddiisa hooyo iyo dhaqankiisa. Luqadda hooyo waa
luqadda uu ardeygu ku fikiro, wax ku dareemo,
islamarkaana waa qayb ka mid ah aqoonsigiisa shakhsi
ahaaneed. Waa shay lagu gudbiyo laguna ilaaliyo dhaqanka.
Ardeyga oo si wanaagsan u hanta luqaddiisa hooyo waa
midda u suurto galin karta in uu dhexgal la sameeyo
bulshada uu ka dhashay, sidaa darteed waxa aynu u
baahanahay luqadda ha noqoto guriga, saaxiibada,
qaraabada iyo dhammaan bulshada markii aan doonayno in
aan la xiriirno.
Luqadda hooyo oo si wanaagsan uu ardeyga
u hantaa waxa ay gaarsiinaysaa kolkii uu waynaado in uu
kala qayb galo bulshada ka timid halka uu ka soo jeedo
noloshooda, xalinta arimaha rasmiga ah iyo waliba ka
qaybgalka adeega dhaqankaiisa.
Luqaddaada hooyo oo wanaagsan waxa ay kaa
caawinaysaa in aad la socotid warbaahinta, ha noqoto
telefishinka, raadiyaha, wargeyska, internetka iyo
waliba wax alaale oo ku soo baxa afkaada hooyo.
Baaritaano badan oo la sameeyey ayaa waxa
ay sheegayaan in ardeyga si wanaagsan u barta luqaddiisa
hooyo ay u fududaaneyso barashada luqadaha kale.
|